X

Maraykanka oo sheegay inuu ciidankiisa Somaliya u rartey Kiiniya iyo Jabuuti

Maraykanka ayaa sheegay inuu la baxay ciidankii ka joogey Koofurta dalka una raray Kiiniya iyo Jabuuti halkaas oo uu ku leeyahay saldhigyo. Maraykanka ayaa sheegay in 700 oo askar ka joogeen Koofurta dalka.


Ciidanka badankiisa ayaan qayb toosa ka ahayn dagaalka argagixisada lagula jiro, waxayna daba socdeen ciidan si gaara u tababareen oo iyagy weerarka qaadi jirey. Dawlada Somaliya oo dhinaca ciidanka laga haysto ayaan war ka soo saarin arintan.

”Ha baxaan markii horeba dagaal kuma jirin ee keliya waxay tijaabin jireen diyaaradaha aan is wadin ama jiraan deegaano ay ka xoreeyeen dhiigmiiratada shabaab ayuu yiri Cali Calasow.


Somaliya ayaa awooda inay tababarto ciidankeeda kadibna la wareegto dhamaan amniga dalka waxase taas hortaagan qaramada midoobey iyo siyaasada guracan ee dalka halkaas oo laga baqayo in dabadhilif jaahila uu dalku u gacan galo.

Waxa welli kharashaynaya horgelyaasha qasaya dalkla wadamada jaarka iyo kuwa Carabta iyo weliba gaalada waaweyn.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.