X

Maraykanka oo sheegay inuu duqeeyay magaalada Saakow ee Jubada dhexe oo argagixisada xarun u ah

Saakow 29 Dec 2014–Maraykanka ayaa sheegay inay duqeeyeen magaalada Saakow ee gobolka Jubadda dhexe halkaas oo ururka shabaab ay hadda ku leeyihiin xarun weyn oo ku tababaraan dhalinta isqarxisa iyo falalka ka dhanka bani aadamka. Maraykanku ma sheegin in cidi wax ku noqotey iyo cida uu ahaa bartimaameedku.

Maraykanka ayaa weerar sidana ku diley hogaamiyihii kooxda Axmed Godane oo daadiyay dhiig badan oo Muslimiina oo ay diinta ka saareen.

Waan qiimeynaynaa in weerarkii noqdey mid guulaystey iyo mid kale ilaa hadase ma hayno faahfaahin dheeraada ayuu yiri nin u Hadley wasaarada gaashaandhiga.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.