X

Kiiniya oo markale keentay marmarsiiyo ku aadan dacwada badeena

Kadib markii Kiiniya markale sheegatay inayna diyaar u ahayn dacwada badda ee laga guulaysanayo, waxa maxkamada caalamiga sheegtay in dib loogu dhigey bisha Lixaad sideedeeda. Haddase waxay calaalacal durba la soo fadhiyaan saxaafada ayagoo leh Kooro ayaa jira ee dib haloo dhigo.


Kiiniya ayaa jecel in sheekada hoos loo dhigo si hoosana lagu dhameeyo, halka Somaliya hore u diidey taas sheegtayna wax laga wada hadlo ma Jiro ee waa inoo halkaas oo aan ku kula baxno.

Maxkamada ayaa kiisas noocana oo kale u jeexday sida saxda ah ee Somaliya ku doodayso, shakina Kuma Jiro inay wadadaas qaadayso, waana taka oohisiisay Kiiniya.


Kiiniya ayaa taageero ka haysata dawlada Maraykanka inkastoo si toosa ayna u taageerin laakiin saraakiil u hadashay waxay sheegeen in Kiiniya ay la jiraan oo Somaliya awood u lahayn inay fushato amarkeeda.

Kiiniya ayaa isku dayday inay siyaasada dalka rogrogto ayadoo isticmaalaysa Kaaba qabiilo iyo siyaasiyiin hore u fashilmey, waxay isku daydey in Beledxaawo qabsato, waxase dhacdey inay fashilantey.


Waxay rajaynaysaa in madaxweynaha hadda Farmaajo uu dhaco oo sugto kii isaga bedeli lahaa kuna bixiyaan malaayiin doolar sidii looga takhalusi lahaa dawlada hadda jirta.

Maxkamadu waxay sheegtay inaanu jirin dib u dhac dambe, waxase la sugaa marmarsiiyaha u hadhay waxa uu noqon doono.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.