X

Maraykanka oo u baryo tagay Iiraan iyo Finasuweyla

Maraykanka ayaa sheegay inuu cunaqatayn saaray shidaalka iyo saliida dalkaasi Ruushka waxase uu ka calaacalay inayna jirin inay cidna la socon oo keligii yahay. Waxa markiiba cirka isku shareeray qiimaha shidaalka.


Wafti qarsoodi ah oo uu u direy Finasuweyla oo uu isku dayay inuu afgembiyo dawladeeda isla markaana uu aqoonsan yahay ninka mucaaradka ayuu ka codsaday inay shidaal degdega sii daayaan si qiimuhu hoos ugu dhaco.



Wuxuu dhinaca kale la hadlay Iiraan si ay saliid badan suuqa u soo geliso. Shidaalka foosatada ayaa gaartey 140 waxayna ku socotaa 200 oo doolar. Dadka ugu badan ee dhibkani ku dhacayo ayaa ah dadka masaakiinta.

Wuxu kaloo ka codsaday Carabta inay u gargaaraan siyaasadiisa uu dhaqaalaha Ruusgka hoos ugu dhigayo ayan sii daayaan saliid farabadan. Carabta oo u sujuuda ayaan ilaa hadda ka jawaabin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.