X

Maraykanka oo wejigabax ku ridey horjooge Muuse Biixi

Waa marka horee lama odhan karo waxa jirtey soo dhaweyn iyo maamuus la sheegi karo aan ka hayan haweenay maamule ka ah huteel oo la arkay iyadoo soo dhaweynaysa. Xitaa beeshiisa oo uu ka filaayay soo dhaweyn ayaa u jeekidhay.


Muuqaalada la soo duubay Maraykanaka ayaa waxa ugu qosol badnaa nin naag weliba naagtu surwaal xidhan tahay timana qaawan tahay oo dhex ordaya meel ay joogaan banaanbaxaayash Sool iyo Sanaag oo aad u farabadnaa.

Maraykanka oo qoraal soo saaray ayaa sheegay inay horjoogahan ay kula kulmi doonaan siyaasada guud ee Maraykanka ee HALKA AH ee ku wajahan Somaliyada midka ah. Waxay si cad u sheegeen inayna ku jirin gooni goosad.


”Danta Maraykanku waa inay Shiinaha ka ceshadaan biyaha Somaliya wayse ku fashilmeen waxayna kaliftey inay gooni goosadka Taywaan inoo keenaan ayuu yiri Xuseen Warsame. Horjoogahan oo loogu sheekeeyay fursadaa ayaa jirta ayaa waxa lacag kale looga cunay inuu dalxiis u yimaado Maraykan ayuu raaciyay Xuseen Warsame.



Si kastaba waxaan la ilaaweyn dhalinta iyo haweenka luxaya calanka qaranka oo aan ka caajisin inay muujiyaan dareenkooda iyo inaan lagu qaldamin gobolkani.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.