X

Maraykanku dal ku-gal ma siin doonaa wasiirka arimaha dibedda Ruushka

Wasiirka arimaha dibedda Ruushka Sergeey Lafroof ayaa u socda xarunta qaramada midoobey ee ku taal dallaasi Maraykanka, waxase su’aashu ka taagan tahay Maraykanku dal ku-gal ma siin doonaa.


Maraykanka ayaa dagaal aan toos ahayn kula jira Ruushka oo ay ahayd inuu mar hore ka faraxasho dabadhilifka Yukrayn. Haddii Maraykanku u diido dal-kugal waxay ka dhigan tahay in sheekada qaramada midoobey soo xidhmeyso.


Ruug cadaa Sergeey Lafroof ayaa xarunta qaramada midoobey shir docoodyo kula yeelan doona madax badan oo ka tirsan Eeshiya, Afrika, Laatiin Amerika iyo Yuruba, waana halka Maraykanku ka gariiri doono.



Safaarada Ruushka ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in weerar joogta ah lagu hayo xitaa lagu yiri safiirka is dhiib anagaa ku maalgelin doonee waase diidey.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.