Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay doonayso in ay dib u dejin u sameyso Qaxootiga u badan Afrikaanka ee ku sugan dalka Australia.
Koox qaxooti ah oo ku jira goobo ay dadka ku hayso dawladda Australia ayaa noqday qaybtii koobaad ee Maraykanku aqbalo iyadoo la hirgalinayo heshiis ay labada dal kala saxiixdeen.
Dowladda Maraykanka waxa ay sheegtay in dadkaasi ay la kulmayaan dhibaatooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin in aysan haysanin waxybaabo muhiim ah oo ay kunoolaadaan Qaxootigaasi.
Talaabaddaan ayaa horay waxaa u qaaday Madaxweynihii hore dalka Mareykanka Barak Obama ,islamarkaana Saxiixay heshiiska dadkaasi lagu qaadayo.
Australia ayaa diiday in ay aqbasho dadka sida sharci darrada ah doomaha ugu yimaadda, siyaasaddaas ayaana muran dhalisay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay