X

Markaan caafimaadka baranaayay gudniin kuma jirin: dhakhtar Jarmala

Markaan caafimaadka baranaayay gudniin kuma jirin waa hadalka dhakhtarad Jarmala oo hadda daawaysa haweenka Somalida iyo kuwa kalaba ee jirkooda la jarjaray ama lagu sameeyay waxa loo yaqaan gudniin.


Gudniinka lagu sameeyo hablaha Somaliyeed ayaan diinta meelna kaga jirin ayadoo lagu xadgudbo jirka qofka haweenayda ayadoo diin ama dhaqan loo nisbeynayo.

Haweenaydan dhakhtarada Jarmalka ayaa sheegtay maadaama dad badan oo qaxootiya ay soo galeen Jarmalka, waxa dhinaca caafimaadka soo kordhey gabdho ka cabanaya dhibaatooyin jirkooda qaybta taranka loo gaystey.


Inkastoo haweenka gaalada ay qaarkood ka cawdaan sida qaybtooda taranku u samaysan tahay oo ay ku bixiyaan lacago badan sidii ay ugu ekaan lahaan kuwa Somalida ah hadana marnaba ma dhacayso in xadgudub sidana lagu sameeyo ayay tiri dhakhtaradan oo ka hadleysay inta haweena ee ay hadda daawayso.

Ilaa markii aan furey qaybtan caafimaadka sanadii 2013 waxa i soo maray haween badan oo raba bal in ugu yaraan dib loo soo celiyo dareenkooda.

Dr Strunz ayaa qabta in goobaha cafimaad ee fuliya qaliinada noocaasa ay hadda soo kordhayaan Jarmalka.


Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.