X

Markab ay saarnaayeen qaxooti Somali iyo Eritariyaana oo Yurub kala qaybsatey

Markab ay saarnaayeen qaxooti Somali iyo Eritariyaana oo markii hore laysku qabsadey cida ama dalka uu ku soo xiranyo ayaa ugu dambeyn Yurub kala qaybsatey dadkii saarnaa.

Markabka ayaa shan cisho kadib loo ogolaadey inuu ku soo xirto xeebta Malta. Wadamada Jarmalka, Faransiiska, Isbayn iyo Lagsambeerg ayaa kala qaybsadey dadkii saarnaa oo gaarayay 141. Halka Faransiisku ku darsadey markab hore u joogey Malta oo wadey qaxooti kale.

Jarmalka ayaa 60 qof qaatey, halka Faransiisku isna 60 qaatey iyo qaxooti kale, dalka Isbayn ayaa iyaguna qaatey  60 qaatey, Bortugaal ayaa 30 qaadatey halka dalka yar ee Lagsambeerg uu qaatey 5 qof.


Markabka sidey qaxootigan Somalida iyo Eriteriyaanka isugu jirey ayaawaxa isku qabsadey Ingiriiska iyo Talyaaniga maadaama markabka laga lahaa Ingiriiska. Ingiriiska ayaa ku doodey in sharcigu yahay wadanka u dhow in laga dhiibo qaxootiga.

Wiil 13 Jira oo Somali ah oo la socdey markabka ayaa sheegay in uu arkey dilka aabihii kadib markii lagu qabtey koronto dalka Liibiya.


Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.