X

Markab dagaal oo yimi xeebta Qandala hoonkana ku yeeriyay argagixisada: MAQAL

Mid ka mid ah Bulshada Qandala ayaa Warbaahinta la wadaagay markab ay ka duuleen diyaarado sidoo kalena xeebta magaalada kusoo dhawaaday kaas oo hoob digniin u ekaa u yeershay dadka degaanka.

Bulshada ayuu sheegay in guryahoodii ay ka carareen. Qofkaan goob joogaha ah ee warbaahinta la hadlay, waxaana intaas uu raacshay inay umalaynayaan in markabka diyaardaaha ka kacay ee magaalada dul heehaabaya ay duqayn samayn doonaan.

Dhinacaca kale Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland oo aad u gaashaaman ayaa kaabiga ku haya Qandala iyo nawaaxigeeda, waxaana la filayaa in hawlgal sifayn ah ay bilaabaan.

Dadwayne badan ayaa ka qaxay Degmada Qandala, waxaana shalay Gudoomiyaha Gobolka bari uu sheegay in dadka barakacay ay gargaar gaarsiisa maamulka Puntland.

C/llaahi Warmooge

ARAABIEWS

admin:

This website uses cookies.