X

Nabadoon Xaad ee beesha Hawiye oo ka digey dagaal ka yimaada xidhnaanshaha wadada aada Woqooyiga Gaalkacayo

Gudoomiyaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye,Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimaha go’aan dhawaan kasoo baxay dawladda Puntland kaas oo ahaa in Gaalkacyo ay noqoto Saylad lagu kala wareejiyo xoolaha iyo Badeecooyinka ka imaanaya dekada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga dawladda Puntland.

Maxamed Xasan xaad ayaa sheegay in xayiraad lagu soo rogay gaadiid kala duwan oo u socday Galmudug iyo Gobolada dhexe ee dalka, waxaana intaas uu ku daray in  Gaadiidka waddadii laamiga ahayd kadibna la xiray wado kale oo maraysay dhanka Galdogob kana dhacaysay Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galguduud.

Xaad ayaa sheegay in Dano siyaasadeed uu yahay go’aanka Puntland, waxaana intaas uu ku daray in ay keeni karto arrinkaan dagaal iyo cxawaaqib xumo sida uu hadalka uu u dhigay.

”Gaadiidka Gaalkacyo ku xayiran hala soo daayo cidii dambi leh waa dmabiile waxaana u sheegaynaa Puntland in arrinkaas ay ka imaan karto dagaal dhibaato ah”Ayuu Yiri Maxamed xasan Xaad.

Hadalka Xaad ayaa kusoo beegmaya xili Dawladda Puntland ay si habsami leh u hirgalisay go’aan la xariira amniga kaas oo yimid kadib gumaad loo gaystay haldoorka Ummadda Puntland.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.