X

Marwo Khadiija Diiriye oo ka hadashay xaqiraada C/raxmaan C/shakuur

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo siyaabo kala duwan isku daya inuu saxaafada ku jiro ayaa hore diinta ugu gafay inkastoo markii dambe loo caqli celiyay, ayaa haddana yasid kula kacay beelaha aan la tirin ee gaaladu ku sheegto in laga tiro badan yahay, Somaliduna koobigareeyeen erayada gaalada.


Siyaasigan oo ku faanaya Hawiye ayaa yiri Siyaad Barre wuxuu magacaabi jirey dadka sida Maxamed Cali Samatar oo kale ah, asagoo ujeeda inay maqaar saar yihiin laakiin talada badankeeda uu iska wato isagu. Hadalkan atuu ula jeedaa dawlada hadda uu hogaamiyo Farmaajo oo dhowr jeer uu isku dayay inuu beeshiisa Hawiye kiciyo dagaal sokeeyana halkaa ka abuuro, wuxuuse waayay cid dhegeysata isaga iyo fadhiid Shariif Sh Axmed.

“Doorashadii Hirshabelle waxaa lagala hadlayaa taliyaha Nabadsugidda. Xaalka Gedo waxaa ka xaajoonaya Madaxweynaha Jubba iyo taliyaha nabadsugida Waxaa kulmay Xasan Sheekh iyo taliyaha nabadsugida. maamul jufeedyada maqan waxa raadinaya taliyaha nabasugida. Horta sii hayihii aaway? mise waa maqaar saar?


Maxaase Raysalwasaare looga baahanyahay mar haddii uu hawlahan taliyaha nnabadsugida hayo? Maa wiilka xilka loo magacaabo illeyn xaajo ugub ah maaha oo horay ayaa Maxamad Siyaad xilkaan ugu magacaabay Maxamad Cali Samatar oo beesha shanaad ah, beesha sugaysana dacwadii ayaa ka dhamaatee looga faataxeeyo?. “

Hadalkaa dambe ee cunsurinimada iyo yasida ah ayaa waxa ka jawaabtey marwo Khadiija Diiriye oo ka soo jeeda beesha shanaad ee uu yasay.


“Hawiye reerka hooyo uunkaan u jecelahay, Soo Barbaar  Ayaan ku odhan lahaa Hadaad tahay Ruux Nool,  Laakiin Meyd Soconaya ayaad tahay,  Inaad Meytida ka mid tahayna Waxaa kuu Cadaynaaya  Magaca Hooyadaa Baa laguugu yeedhaa.!

Godka Lagu Jannee Maxamed Cali Samatar  Aabahaa ma Hawaysan Jirin iyo Awoowgaa, Maantana Waa adigaa (Fahad Tuuga-ah)  Fahad Qoodha Arimisuu ka Kow yahay, ee Isa soo Hubso Xiniinyaha Adiga iyo Kuwa adigoo kaleba Horay baa la idiinka saaraya , Bacda Hubi. “ Ayay Tidhi Khadiija Diiriye.

Warbixintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.