X

Xildhibaan ku baaqay in Axmed Madoobe jeelka loo taxaabo

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu Axmed Madoobe jeelka u taxaabo. Axmed Madoobe oo Kiiniya wadato ayaa maamul ka samaystey Kismaayo oo aanu deegaan ahaan ka soo jeedin.


Xildhibaan Daahir Jeesow oo si weyn uga soo horjeedo maamulka Kiiniya u dhistey Axmed Madoobe ayagoo danahooda ayaa ku sheegay Axmed Madoobe nin diley dad badan oo Jubooyinka ah.

“Madaxweyne waxaan ahay xildhibaan kula soo shaqeeyay afartii sano ee aad dalka xukumeysay jecel dalka wanaagiisa Tixgali codsiga intaad meesha fadhido Axmed Madoobe Xabsiga ha u hoydo.” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Jeesow


Xildhibaanka ayaa intaa ku daray in Axmed Madoobe uu yahay dembiile dad badan laayey ayna dacwad ka taallo, loona baahan yahay inuu wajaho Cadaalada.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay inayna cadaalad ahayn in Axmed Madoobe kolba loo kordhiyo, ee la mariyo waxa uu mudan yahay. Kiiniya ayaan welli loo sheegin inay dalka ka baxdo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.