X

Masar caawimo kama helayso Somaliya inta Cabi Axmed xukunka hayo: Khabiir Masri ah

Khabiir Masaariya ayaa sheegay inay adag tahay hadda in Somaliya qaado talaabo ka dhana Itoobiya siiba dhinaca webiga Niil ee ay isku hayaan iyaga iyo Itoobiya. ”Inta uu xukunka hayo Cabi Axmed taas suuragal maaha ayuu yiri Khabiirku.


”Cabi Axmed wuxu ka soo jeedaa qowmiyada Oromada, waxaanan ognahay i Oromada iyo Somalidu ay yihiin dad walaalo inkastoo Cabi Axmed aanu Muslim ahayn hadda dhibka Oromada iyo Somalidu waa isku ayuu raaciyay.

”Suuragal maaha xukunka oo isbedela mooyee in Somalidu dhinaca dambe ka taagato Cabi Axmed haddaanu isagu ka toogan, markase la fiiriyo mudadii uu xukunka hayay Somali galbeed waa gobol nabadi ka jirto ugu yaraan.


Waxa dhintey qadiyad Itoobiya iyo reer galbeedka siiba Ingiriisku dabada ka wadeen ee Somlilaan oo hadda aan jirinba, amna soo noqonayso ilaa ay timaado dan weyn oo reer galbeedka ka soo gasha Somaliya siiba dawlada ka dhalato oo dhinac kale u janjeersata ayuu qabaa khabiirku.


Si kastaba ha ahaatee booqashadii raiisal wasaaraha fadhiidka ah ee Somliya ku tagay Masar ayaan haba yaraatee jirin weax la isla soo qaaday oo keliya ahayd is waraysi, ayadoo Masar tusaysa dawladaha faraha kula jira Somaliya sida Turkiga in Masarna soo jiidan karto.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.