X

Masar iyo Suudaan oo ka digey in Itoobiya markale buuxiso biyo xireenka

Cabi Axmed ayaa shalay sheegay inuu dalkiisu markale buuxinayo biyo xireenka bisha lixaad ee sanadkan xilliga roobaadka. Itoobiya ayaa in muddo ahba ku doodeysay in biyaha caadi u socda ee gaaraya wadamada kale uuna waxba u dhimayn biyo xireenku.


Wadahadalo u dhexeeyay sadexda dhinac ayaan welli lagu guulaysan, ayadoo qodobaa al isku mari la’yahay ay tahay xadidka Itoobiya sii deyn doonto haddii abaar daba dheeraata ay ka dhacdo Itoobiya oo roobku yaraado iyo cidii damaanaq qaadi lahayd.


Si kastaba ha ahaatee waxa markale furmaya shir u dhaxayn doona wadamada ku nool biyaha webiga Niil oo boqolkiiba 80 biyahiisu ka yimaadaan buuraha Itoobiya halka inta kalana ay ka yimaadaan Suudaan, labada biyo oo isku biirayna ay ku tagaan Masar.

Niil ayaa ka mida webiyada ugu dheer aduunka inta badana mara saxaro aad u dheer oo lama degaana.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.