X

Kooxda sheegata beesha caalamka oo qoraalo munaafaqnimo ah welli wada diidana shirka socda

JAMES

Waxa maalintii sadexaad ka socda xeradii ciidanka cirka ee afisiyooni ee magaalada Muqdisho shirka lagu dhamaystirayo doorashada oo maanta lagu lafo-gurayo arimo muhiima. Waxase welli diidan shirka kooxda qasaysa dalka ee sheegata beesha caalamka oo diidan inay soo diraan laba horjooge ee ay ku haystaan xerada XALANE.


Horjoogaha kooxdan sheegata beesha caalamka Jamis Iswan iyo kuwa la midka ah ayaa markasta soo qora qoraalo munaafaqnimo ah ayagoo ka dhigaya arin Somalidu ku muransan tahay iyo XAMAR kama bixi karaan kuna haysta labada horjooge xarunta XALANE ayuu yiri Cali Calasow.


”Wuxuu rabaa inuu talada dalka la wareego oo halka shirku ka socdo hadda laga soo durko oo loo soo wareejo xarunta XALANE ayuu yiri Xuseen Warsame taas cidna kama qarsoona, yaase u sujuudaya oo sidaas yeelaya.


”WAxa la sugaa goorta ay soo fasaxaan ayadoo ayna jirin wax dambe oo laga wada hadlo oo u dhaxayn kara labadaa horjooge ee dabada ku wataan iyo dawlada dhexe maadaama waxkasta oo la dhameeyay oo saxiixii haray ayuu ku daray Cali Calasow.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.