X

Masar oo qaadista sanamyo u xireysa wadooyin muhiima

Masar ayaa wadooyin muhiima u xireysa qaadista sanamyo dayactir lagu sameeyay oo la gaynayo masxafka weyn ee magaalada caaasimada ee Qaahira. Wadooyinkan ayaa la xirayaa maalinta beri ah oo Sabti ah.


Haddaba waxaad is weydiin kartaa maxaa keenay wado xirista xilligan Masar ka mid tahay wadamada loo soo raadsado tacliinta diinta Islaamka kana mida wadamada diinta saxda ah lagu barto. Macalimiinta Masaarida ayaa ugu badan kuwa dhiga jaamacadaha Islaamka aduunka badankiisa.


ā€¯Waxay la xiriirtaa dhaqan soo jiraana oo sanamyadaa hadda la qaadayaa ee la dayactirey wadooyinka loo xiri jirey xilligii ay noolaayeen qarniyo kahor sida ay qortey warbaahinta Masar.


Sanamyada ayaa la sii galbin doonaa, waxana loogu talogalay in dalxiisayaal farabadan la soo jiito. Masar ayaa dakhliga ugu badan ka hesha sanamyada yaala buuraha ay dhiseen Fircoonadii kala dambeeyay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.