22/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Mashaqo ka dhacday doon degtay Giriiga iyo aabe badbaadinaya cunugiisa oo aad u yar: SAWIRO

Mashaqo laga naxo ayaa ka dhacday Jaziirada Farmakonsi ee ku taal dalka Gariiga, kadib markii ay ku haqrameen badda oo doonidii ay la socdeen muustay tahriibayaal Siiriyaan ah, waxaana saarnaa dad isugu jiray Caruur, waayeel iyo dhalinyaro kasoo cararay dagaalada Siiriya.

Arintan naxdinta badan ayaa ah sida ka muuqda Sawirka Aabe gabadhiisa oo Labo jir ah gacmaha kor ugu haayo, wiilkiisa kalena uu biyaha ku muusay, awoodna u laheyn inuu badbaadiyo.

 Tirada dadka dhintay ayaa ilaa hadda la helay 38 qof oo ay ku jiraan 14 caruur ah qaarkoodna aad u yar yar yihiin.Doonta oo aheyd mid la buufiyay ayaa waxaa saarnaa dad gaaraya 112 ruux oo badankood ay ahaayeen dad ka soo jeeda wadamada Siiriya iyo Afghanistan.

Ciidamada ilaalada Giriiga ayaa soo badbaadiyeen dad gaaraya 68 qof, halka 30 kale ay dabaal ku soo gaareen berriga. Dhinaca kale waxaa iyadana jaziirada Lesbos ku degtay doon kale meel xeebta u jirta 100m, inkastoo inta badan dadkaasi dabaal kusoo gaareen xeebta, caruur yaryarna laga badbaadiyay.

Mashaqadan dhacday Axada ayaa imanaysa kadib markii labo doon ay degtey iyadoo ugu yaraan shan ruux ay ku dhinteen afar carruur ah iyo nin labaatan jir ah. Kumamaan ruux ayaa weli u sii gudbaya dalka Giriiga inkastoo dowlada Jarmalka ay ku dhowaaqday inay hakinayso qaabilida qaxootiga soo galaya dalkeeda.

mashaqo[1] mashaqo-tahriib-[1] mashaqo-tahriib-1[1] mashaqo-tahriib-3[1] mashaqo-tahriib-4[1] mashaqo-tahriib-5[1] mashaqo-tahriib-6[1] mashaqo-tahriib-10[1]

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM