X

Masjid ku yaal Faransiiska oo salaadii cishe rasaas ka dhacday

Booliiska dalkaasi Faransiiska ayaa baaraya rasaas ka dhacdey masjid ku yaala caasimada Baariis gaar ahaan xaafada Rue de Tanger. Rasaasta oo la furey xilligii salaada cushe aya wax ku dhaawacmey hal qof.


Qofka dhaawacmey oo da’diisa lagu sheegay 32 jir ayaa loola cararay isbitaalka, waxase la sheegay in xaaladiisu ayna fiicneyn. Xilliga masjidka daaradiisa lagu furey rasaasta ayaa ku dhex jirey ilaa 15 qof.


Booliiska dalkaasi ayaa rumeysan in isla dadka meesha jooga muran ka dhex dhashay ay sababtey toogashadu, ninkii wax toogteyna uu ku cararay gaari-lugoodka.


Xarunta dhaqanka Islaamka ee Cadawa oo ah goobta rasaastu ka dhacdey Ayaan hore loo ogoyn in colaadi ka dhex jirto isla dadka maamula. Dagaalada masaajida ayaa waxa inta badan sababa urur diimeedka Wahaaabiyada ama Salafiga iyo kuwa kale ee iyagu diidan in dhalaankooda la baro sida laysku qarxiyo.

Rashid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.