19/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Masuuliyiin sare oo ka qayb qaatey ololaha nadiifinta caasimada: SAWIRO

Masuuliyiin sare ayaa ka qayb qaatey ololaha nadiifinta caasimada. Maanta ayay ahayd markii gudoomiyaha gobolka Banaadir uu ku dhawaaqay ololaha caasimada.



Ku-simaha R/Wasaaraha ahna R/Wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo qeybaha bulshada ayaa wadajir olalahan uga sameeyey goobo kamid ah Muqdisho.



“Caasimada dalka ee Muqdisho waa muraayada iyo halka laga qiimeeyo dal walba, sidaas daraadeed maanta waxaan u istaagnay inaan nadaafadda ka shaqeyno, taas oo ah waa waajib diini ah oo nooga wada baahan inaan ka wada shaqeyno”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS