X

Masuuliyiinta Jabuuti oo tacsi ka direy geerida hobolada Xabiiba Balbalaaf

Waxa xalay goor dambe la xaqiijay geerida Allaha u naxariistee fanaanadii reer Jabuuti ee Xabiiba Balbalaaf oo ka mid ahayd hoboladii aadka u soo shaac baxay xornimada Jabuuti kadib.


Masuuliyiinta Jabuuti ayaa tacsi ka direy dhamaan shacbiga Somaliyeed gaar ahaan kuwa reer Jabuuti Allana uga baryay hobolada inuu janadiisa fardowsa ka waraabiyo.


Xabiiba Balbalaaf ayaa ka mid ahayd fanaaniinta aadka loo jecelyahay, waxayna heeso badan iyo ruwaayado farabadan la matashay fanaaniinta reer Jabuuti ugu waaweynaa xilligaas sida Cabdinuur Allaale iyo kuwa kale.

Riwaayadaheeda ugu caansan waxa ka mida ragow aarsi haween adkeysta markiina iyo jacaylkii Qaahira

Inaa lilaah waa inaa ilayhi raajicuun.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.