X

Masuuliyiinta kilinka shanaad ee Itoobiya oo xaqiijiyay maxaabiis ooda laga qaaday

Masuuliyiinta kilinka shanaad ee Itoobiya ayaa xaqiijyay maxaabiis ooda laga qaaday kadib amarkii uu bixityay raiisal wasaaraha cusub ee Itoobiya Cabi Axmed. Maxaabiista jeelkaas ku xirnaa ayaa masuuliyiintu xaqiijiyeen inay sii daayeen in gaaraysa 109 qof.


Dadkan la sii daayay ayaan marin wax maxkamad ah laakiin loo xirey siyaasad halkaasna loogula dhaqmi jirey si ka baxsan diinta.

Masuuliyiinta ka hadlay amarka Cabi Axmed ayaa sheegay in maxaabiista ku hadhay ay u badan yihiin kuwo kufsi gaystey iyo gacanku dhiigleyaal.


Laakiin dadka qaraabadoodu ka maqan tahay ayaa sheegay in guud ahaan gobolka ay ku xiran yihiin dadyow eheladooda ah ayadoona ayna jirin wax cadaalad ah oo ay ka filayaan ismaamulka.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.