X

Wasiirka duulista oo amar ka soo saaray adeegyada ay helaan rakaabku

Wasiirka duulista ayaa amar ka soo saaray adeegyada ay helaan rakaabku gaar ahaan diyaaradaha ka shaqeeya madaarka magaalada Muqdisho. Wasiirka ayaa sheegay in diyaarado badan soo codsanayaan inay ka shaqeeyaan Somaliya.

’’Maalintii diyaarahada ka soo dego Garoonka waxay ay gaareen in ka badan 50 islamarkaana shaqada Garoonka ay sii balaaratay haatan waxaa jira codsiyo fara badan shirkado diyaarado oo rabo in ay ka howlgalaan gudaha dalka ’’. Ayuu yiri Duuliye Ceyndaruus Axmed Kaahiye.

Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad Oomar Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada ayaa faray Shirkadaha Diyaaraha iney ka shaqeeyaan in rakaabyada ay heleen adeegyo dhammeystiran waxa kale uu sheegay in ganacsatada aan sharuudaha looga baahan yahay buuxinin aysan ka howlgalin karin Garoonka.

Wasiirka ayaan sheegin shuruudaha looga baahan yahay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.