X

Masuulyiinta masjidka dhexe ee London oo beeniyay in dil dhacay masjidka la xiriiro

Waxaan ku war helnay booliis soo buuxiyay masjidka oo gudaha u soo galay ayuu yiri Maxamed Sicid oo ka mid ahaa dadkii maasjidka qaybta weysada joogay. Waxaa waxyar kahor masjidka soo galay laba nin oo madaxa soo qarsadey oo qaybta waysada isaga bedelay dharka, xirteyna dharkale kadibna weyso qaatey.


Labadan nin ayaa la nin dhalinyaro ah midi soo geliyay waxoogaa kahor waxana lo wacay booliiska, waxana loo sheegay inay masjidka soo galeen, ayagoo qumaati u socda.

Nin isagu waardiye ka ahaa masaajidka oo kaamarada kala socdey ayaa sheegay inuu ku warhelay booliiska. ”Markaa arkey sidey u labisan yihiin waxaan soo xasuustey xasuuqii Niyusiland, waxaanan is waydiiyay tolow ma dadbaa la diley.


Ninkale oo agtaagnaa ayaa isna sida si leeg uga fekeray inay wax u dhaceen.

Ninkan labadan dariiqa masjidka u dhow ku dileen ayaa ah nin dhalinyaro oo ka qaxay Kosovo oo la sheegay in kuwa diley ay isku haysteen gabadh. Lama sheegin cida gabadha la socotey iyo gabadhaas kala gaaray iyo waxa ragaan ka dhexeeya gabadha.

”Waxase la sheegay inuu ka walwalsanaa in la weeraro, waxa dhacay darted. Booliiska ayaa faro madhnaan ka baxay masjidka dadkana u ogolaadey inay wataan cibaadada.


Waxay qaateen dharkii ragaas iska bixiyeen, waxayse ku soo noqdeen dabaqyo u dhow masjidka ayagoo raadinaya laba nin o cadaana oo dembi galay.

Rashid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.