X

Maxaa dhici haday runtahay in dawlada Somaliya taageerto Puntland sida Muuse Biixi sheegto

Maxaa dhici haday runtahay in dawlada Somaliya taageerto Puntland sida Muuse Biixi sheegto. Markasta oo Muuse Biixi uu la hadlayo dhalinta Hargeysa ee dhalatey burburka kadib wuxuu yiraa Somaliyaa weerar nagu haysa.



Dhalinta badankeeda ee dhalatey burburka kadib ayaa magaca Somaliya la yahay meelfog oo Hargeysa iyo Burco kafog, la yaabna male oo waxay ku beegmeen xilli aan waxkale jirin.

Waxaanse is waydiin karnaa maxaa dhici lahaa haddii dawlada taagta daran ee joogta Muqdisho taageerto Puntland oo Muuse Biixina iska difaacayo waa siduu dhalinta u sheegee.



Waa marka koowaade laba qof Kuma wada hadasheen Hargeysa iyo Burco, SNM waxay dhalinta ugu sheekaysaa taariikh beena oo ah inay rideen dawladii Somaliya.

Mase oga in dawlada Somaliya ay rideen gaalo is biirsatey oo adeegsatey jufooyin indha iyo dhega la oo hadda ka shalaaya. Waxayna ogeyn in SNM oo loo tudhey Hargeysa iyo Burco looga saarey 10 cisho ayadoo tobankaa cisho ee hore loo tudhayay guryaha ay dabada ka galeen.



Marka dhalintu ha ogaadaan in ay been tahay dawlad Somaliyeed oo SNM cida ku abtirsato ka buuxdo ayaa weerar ku ah Hargeysa iyo Burco.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 


admin:

This website uses cookies.