X

Maxaa halmar bedelay Woqooyiga Kuuriya oo Trump ka adkaatey

Maxaa halmar bedelay Woqooyiga Kuuriya oo meel saartey Trump iyo awoodiisa uu ku faano ee dhaqaale iyo milatari asagoo ku dhici waayay inuu weeraro Woqooyiga Kuuriya./

Woqooyga Kuuriya ayaa sheegtay inay dhamaystirtey awoodeedii difaac ee dhinaca Nukliyeerka iyo gantaaladii qaadi lahaa kadibna halmar laga maqley inay diyaar u yihiin wadahadal.



Ilaa hadda lama garanayo waxa bedelay Woqooyiga Kuuriya oo ku adkeyd hubkeeda laguna amaaney awoodeeda milatari ee dhisantey. Waxase la leeyahay waxa bnedelay Shiinaha oo qaba inay hadda isku filan yihiin oo aan cidi ku soo dhici Karin ayna wadahadal geli karaan ayagoo awoodleh.

Kim ayaa la sheegayaa inuu khaati ka joogo cunaqataynta rabana inuu dalkiisa furfuro inkastoo taasi muddo qaadanayso. Waxa aad layskula dhexmarayaa hadal ka soo yeeray Koofurta Kuuriya oo ahaa awood waan leenahay ee hadda aan midowno.

Si kastaba ha ahaatee maaha cadaadis cunaqabatayn oo kaga yiri Maraykan, waxa ku kalifey Kim inuu hadda isku dhiibo Maraykan, waxayna ku qotontaa siyaasad ka socota Koofurta Kuuriya iyo Woqooyiga.



Ma dhici doontaa in Kim u ogolaado kooxaha basaasiinta ee baara hubka inay hubiyaan in Woqooyigu hubkii nukliyeerka iyo gantaaladii kaga takhaluseen sidii Ciraaq iyo Liibiya.

Si kataba ha noqotee waxa la arki jirey geesi dalkiisa dhisa hadase waxaad moodaa fule raba inuu is dhiibo, waxana lagu ogaan karaa kulanka dhacaya 12 bisha dambe oo hadda loo badinayo inuu dhaco.



Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.