07/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Maxaa dib u dhigey dhoofinta gaaska buuxa ee laga helay dhulka Somalida Itoobiya

Maxaa dib u dhigey dhoofinta gaaska buuxa ee laga helay dhulka Somalida Itoobiya. Waxa gaas buuxa laga helay sadex deegaan oo lagu magacaabo Caaluub, Hilaal iyo Janaale.

Gaaskan ayaa la qodey oo sugaya kaliya in laga dhoofiyo dekedda Jabuuti waxase jira caqabado sida ay sheegtay shirkada Shiinaha ah ee rabta gaaskan in ay dalkeeda u dhoofiso.



Sida ilo sheegayaan waxay shirkada Shiinaha ee ahayd in ay bilowdo dhoofinta gaaska sanadkan sheegtay in ayna suurtagal ahayn ayadoo ay jiraan wadahadalo qotodheer oo isku maran oo u dhexeeya Jabuuti iyo shirkadaas.



Welli lana qodin meelihii ay marayeen dhuumaha gaaska ka soo qaadaya asagoo sidiisa ah ceelasha ku yaala dhulka Somalida, waxay kaloo ahayd in warshad sifeysa gaaskaas laga furo dekedda Jabuuti tiina ma dhicin.

Taas oo ka dhigeysa in qodista dhuumaha halkii ay mari lahaayen uu bilaabmo sanadka soo socda ayna suurtoobeyn in gaaska la dhoofiyo kahor sanada 2020.



Gaaska ku jira dhulka Somalida ayaa markii ugu horeysay waxa helay shirkad Maraykana, waxana xaqiijiyay shirkadihii midowga Soofiyeeti.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS