21/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Maxaa ka dhacay degmada Cadaado

Waxa warar beena saaka iyo ilaa xalay la faafiyay in degmada Cadaado ay is rasaasayn ka dhacdey dhexmartay ciidanka nabadsugida ee dawlada Somaliya iyo maleeshiyo beeleed ku sugnaa xarunta madaxtooyada ee Cadaado.

Hadaba gudoomiyaha degmada Cadaado oo saxaafada la hadley ayaa beeniyay in is rasaasayn ka dhacdey sheegayna in cidna halkaan ku dhiman cidna ku dhaawacmin ee maleeshiyadii joogtey goobta nin walba reerkiisii kaxaystay.



“Waa been hal rasaas ah ma dhicin anagaa dalbanay inaan sugno amniga xarunta madaxtooyada oo maamulkii markii ka guurey iska noqotey meel cidla ah oo maleeshiyaad beeleed fadhiyaan, nasiib daro waxa dhawaqaas codsiga ah ka soo jawaabey taliyaha nabadsugida e gobolka u jooga dawlada dhexe kuwaas oo si nabada kula wareegay ayuu yiri.



Waxa saaka la arkey ciidanka nabadsugida qaranka oo miibada ka baaraya xarunta madaxtooyada. Horjoogaha Dhuusamareeb fadhiya ee Xaaf oo xukunka laga tuurey ayaa iska eedeeyay dawlada dhexe.

C/llashi Warmooge

ARAABINEWS