15/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Maxaa ka hirgelay mashruuca hal doolar ku dhiso dalkaaga: SAWIRO/FAALLO

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa Markii loo magaacabay Xilka Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho qaatay Go’aano iyo ballan qaad uu Magac Alle ugu dhaartay in cashuurta laga qaado muwaadiniinta Soomaaliyeed dib loogu celin doono waxyaabaha muhiimka ah ee ay u baahanyihiin bulshadu, Sida Dhismaha Waddooyinka, Goobaha Caafimaadka, Waxbarashada iyo Adeegyada Danta Guud.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa Horay u Yiri “Anaga aan bilaawno oo Canshuurta aan bixino, Canshuurta la idinka qaado waxaad arkin doontiin in wax muuqdo lagu qabto waxaana Alle Hortiisa idiinkaga ballan qaadayaa in Qandi hoos ka Daloolo aan  lagu shibi doonin ee aan ku dhiso doonno jidadka burbursan iyo soo celinta adeegyada dantaguud, waxaa noo ballan ah wadajir iyo in aan gacmaha isqabsano”.

Intaas kadib Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay Mashruuca Hal Doollar Oo u Dhigma Labaatan Kun Oo Shilin Soomaaliya ah ku dhiso Dalkaaga.

Hadaba Maxaa Ka hirgalay Mashruucaasi?

Sida Ku Cad Sawirada Hoose, bilo kooban ka hor inta duqa magaalada muqdisho uusan la wareegin Xilka Maamulka Gobalka Banaadir, Burbur baahsan ayaa ka jiray Wadada Sayidka Ee Aadda Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, iyo wadada Danwadagaha ee Degmada Wadajir, Maanta Waddooyinkan waxaa lagu dhisay Mashruuca $1 Ku dhiso Dalkaaga.

Shalay iyo Maantana Farqi weyn oo la taaban karo ayaa u dhexeeya, Mar aan maanta ku socdaalay wadada Sayidka illaa aan ka gaaro Suuqa Bakaaraha Ma aana Qiyaasi karin sida uu dareenkeygu ahaa iyo farxadda aan ka helay dib u dhiska wadadaasi lagu sameeyay.

Maxamed Abuukar Axmed Ma’da Oo Gaariga wada saarneen ayaa Yiri”Wax badan oo bulshadu u baahneyd ayuu gobalku qabtay, waxaan sugeynaa in mashruucan soo gaaro Waddooyinka Wadnaha iyo Warshadaha si looga baxo cariiriga wadada Maka Al mukarama ee ay ku wada kulmeen Gawaarida Magaalada muqdisho”

Sidoo kale dib u dhis xoog leh ayaa ka socda wadada Danwadaagaha ee Degmada Wadajir, Dhaqaalaha ku baxaya dhismaha Wadadaasi waxa uu ka yimid bulshada Soomaaliyeed waxaana tallabadan ay farxad galineysaa Soomaali oo dhan, maadaama ay indhahooda ku arkayaan in Canshuurtii iyo Tabarucaddii ay bixiyeen si wanaagsan loo maamulay dibna ugu laabatay adeegyada guud ee bulshadu u baahneyd.

Sawirka Maanta waxa uu muujinayaa in aan dhihi karno Mashruuca Hal Doollar Ku Dhiso Dalkaaga wuxuu noqday mid guuleystay, billoow wanaagsanna u noqon kara in Soomaali haddii ay sadan isugu tashato ay wax badan qabsan karto, halkii aan dhihi laheyn aduunyadu hanoo soo gurmato.

1-5[1] 3-5[1] 4-7[1] 5-7[1] 12321204_1696860613886024_8707214138798733589_n[1] 12472724_1696860863885999_8842778062538127110_n[1] 12512723_1696860713886014_7563846941091148199_n[1] 12718079_1696860913885994_5653849477294745628_n[1] 12931012_1696860983885987_8396526132332579549_n[1] Laami-Bakaaro-6[1]