X

Maxaa ka jira in Itoobiya kala baxdey wakiilkeedii Hargeysa

Itoobiya ayaa in muddo ahba waxa Somalilanbd u joogey wakiil soo maray dawladihii kumeelgaarka ah iyo kuwo aan soo marinba, waxase jira warar sheegaya in dawlada cusub ayna rabin inay samayso wax ayna raali ka ahayn dawlada dhexe ee Somaliya.


Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay in sababta loogu yeeray wakiilka ay tahay Isbadelka ka socda Geeska Afrika ,islamarkaana Itoobiya ay guud ahaan joojisay xiriirkii kala dhaxeeyay mamulka Somaliland, taas badalkeena Arrimaha Somaliland ay kala tacaamuli doonto dawladda dhexe ee Soomaaliya.


Itoobiya waay kaloo wakiilo basaasiina ku lahayd Puntland lama sheegin in kuwaasna loo yeeray. Guud ahaan waxay ka dhigan tahay isbedelka geesiga Afrika ee Cabi Axmed oo aan rabin inuu Somalida u kala tarjumo ayuu yiri muwaadin ku nool Hargeysa oo lagu magacaabo C/llaahi Xasan.


Ismaaciil Suldaan C/raxmaan oo ah Xildhibaan ka tirsan maamulka Somaliland ayaa Warbaahinta u sheegay in wakiil Bereha Tesfay, uu saraakiisha Somaliland shalay ku wargeliyay in ay u yeertay dowladdiisa isaga oo aan sheegin wax intaas dhaafsiisan.

Bishan horaanteedii ayay ahayd markii warmurtiyeed ay soo saareen madaxda geeska iyo bariga Afirka in la ixtiraamo midnimada dhuleed ee Somaliya iyo faro kala bixida arimaha hoose ee dalka.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.