X

Maxaa ka jira in Xasan Cali Kheyre kiro ahaan u bixiyay 400 oo kun oo doolar xilli

Warar xog ogaala ayaa sheegaya in raiisal wasaarihii hore ee kalsoonida lagala noqdey Xasan Cali Kheyre u kiro ahaan u bixiyay 400 oo ku doolar kadib markii uu kireystay huteelo iyo guryo u dhow halka uu degan yahay.


Kirooyinka qaar ayaa lagu bixiyay huteelka afka qalaad ula baxay Green Paradise Hotel iyo guryo u dhow oo la sheegay in taageereyaashiisa dhinaca baraha bulshada ay degan yihiin.

Xogtan ayaa sheegaysa in Xasan Cali Kheyre oo mushahar ahaan u qaadan jirey 80 kun oo doolar uu hadda haysto lacag ku dhow 20 milyan oo doolar taas oo aad iska garan karto inayna ahayn lacag si sharci ku soo gashay, ha ahaato mid uu ku soo qaatey magaca Somaliya iyo hadday tahay mid laaluush ku soo gashay.


”Waxaa nasiib daro in lacag intaas leeg la siiyo madax aan marka horeba kor u qaadayn nolosha dadkii shilimaadkan looga soo qaaday ayuu yiri Cali Calasow. Farmaajo ayaa ismna jaqa lacag gaaraysa 120 kun oo doolar mishahar waana mid laga naxo.

Si kastaba ha ahaatee Xasan Cali Kheyre oo awalba la tuhunsanaa cida uu ku xiran yahay ayaan haba ahaatee qarinba isla maalintii la eryay kadib markii uu ka degay Nayroobi oo ay fadhiyaan kooxda uu ka amar qaato.


Somaliya ayaa u baahan inay hesho musharax xora oo dalkan badbnaadiya ilaa hadda iima muuqato gaar ahaan kooxda huteelada ku shireysa oo halkii ay dalkan geeyeen uu weli ka soo kabanayo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.