X

Maxaa ka socda Baydhabo kadib qabashadii Mukhtaar Roobow iyo xildhibaan la diley

Maxaa ka socda Baydhabo kadib qabashadii Mukhtar Roobow iyo xildhibaan la diley. Shalay ayay ahayd markii taageereyaasha hogaamiyihii argagixisada Shabaab ee Mukhtaar Roobow oo hub la soo galay magaalada ay dhagxaan ku xireen wadada weyn ee dadku maraayay.


Sirdoonka Somaliya ayaa aheegay in argagixiso caadiya oo ka tirsan Mukhtaar Roobow ay magaalada ku faafeen xaafado ka mida kana dhigeen lama galaan inkastoo lagu fasaxay ciidanka Itoobiya si ay uga sifeeyaan.

Iska hor imaadkaas argagixisada Mukhtaar Roobow soo geliyay magaalada asagoo ka faaiideysanaya fursada dawladu u fidiyay ayaa waxa ku dhintey ilaa sideed qof halka dhaawacuna gaarayo ilaa 5 qof.


Argagixisada Mukhtaar Roobow soo geliyay ayaa bilaabey dilal qorsheysan waxayna saaka dileen xildhibaan ka tirsan maamulka Koofur Galbeed oo lagu magacaabo Cabdishakuur Buul.

Waxana jira kuwa sheekadan argagixis Mukhtaar Roobow uga faaiideysana aano qabiil. Si kastaba ha ahaatee ilaa magaalada laga sifeeyo argagixisada Muhktaar Roobow waxa sii soconaya dilalka qorsheysan ee ay wadaan.


”Muhktar Roobow kan u soo baxay iyo isagu waa isku mid ayuu yiri muwaadin jooga Baydhabo oo aan qarinay magaciisa waayo labadaba waxa ku maqan kumanaan dhiiga Somalida ah, waxaan isweydiiyay goormuu halyay noqdey dhagxaan loogu xiro wadada ayuu raaciyay. ”War waa qabiil ku qarsan argagixisnimo iyo gaaleyn.

Warbixintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.