X

Wahaabiyada Sucuudiga oo ka xumaadey haweenka ku soo baxay doorashada Maraykanka

Wahaabiyada Sucuudiga ayaa ka xumaadey haweenka ku soo baxay doorashada Maraykanka ee Muslimka ah sida Ilhaan Cumar iyo kuwa kale kuna tilmaamey in lagu xumaynayo siyaasada Trump ee ku jeeda Iiraan.


Wahaabiyada Sucuudiga ee gacan ku dhiigle Salmaan ayaa dagaal ay malaayiin ku hoobteen ka wada Yaman, ayadoo maanta xildhibaanada Maraykanka ee aqalka sare ay soo saareen in aan la taageeri doonin weerarka gacanku dhiigle Salmaan.


Qaraarka xildhibaanada aqalka sare ayaa dhaqan geli doonin hadda maadaama aqalka hoose ay haystaan xisbiga Trump laakiin la filayo bisha dambe in qaraarkaas ay meel mariyaan xisbiga Dimoqraadiga ee helay aqlabiyada.


Wargeyska Al-Carabiya ee ku hadla afka Wahaabiyada Sucuudiga ee wadamada Muslimka ku faafiya diinta qaldan ayaa qorey in haweenkaasi qatar ku yihiin Trump.


Wargeys kale oo Yuhuuda ka soo baxa si aadna u taageersan Sucuudiga ayaa qorey in Sucuudigu is leeyahay taageero kaga hel dilkii Khashowqi inuu weeraro haweenka sida xorta loo doortey halka iyaga haweenkoodu xataa haysan xuquuqda diin ahaan xaq u leeyihin.

Soo akhrintii Rasgiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.