X

Maxaa ka soo kordhey ninkii ajnabiga ahaa ee lagu qabtey sunta

Sadex cisho kahor ayay ahayd markii nin ajnabi ah lagu qabtey garoonka Muqdisho oo xilligaa garoonka la galay sunta dadka kaga ilmeysiisa. Hadaba waxa faahfaahin ka bixiyay wasiirka duulista waxs ku soo kordhey baaritaankii ka sameeyay.


Ninkan ayaa la ogaadey inuu wato laba baasaboor oo kala ah Ingiriis iyo Faransiis marki la baaray. Wasiirka ayaa sheegay in ninkaan u muuqan inuu rabay inuu dambiyo soo galay.


Inkastoo laba baasaboor caadi tahay oo qofku yeelan karo hadana lama garanayo halka uu socdo ilaa hadana waxaan baaritaankaas u daynaynaa hay’adaha amniga ayuu yiri wasiir Oomaar.

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa shalay amartay in xabsiga dhexe lagu sii haayo Antony Thomas inta la dhamaystirayo dacwada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.