X

Tigree lagu weeraray Boosaaso

Wararka ka imaanaya Boosaaso ayaa sheegaya in magaalada lagu weeraray dad ka soo jeeda qoomiyada Tigreega oo ku sugnaa gobolka. Lama garan karo inay yihiin tahriibeyaal iyo dad iska xoogsanaya oo ka faaiideysanaya shaqo-ka-kibirka Somalida.

Laamaha amniga magaalada Boosaaso oo ay ku sugan yihiin dad badan oo soo galootiya inta badana ku yimaada tahriib ayaa sheegay in laba qof oo Tigreeya la weeraray xalay.


Booliiska ayaa xaqiijay in hal qof ku geeriyooday markii koox bastoolado ku hubeysan ay weerarka ku qaadeen dhalinyar Tigree ah. Lama garan karo waxa falkani lug ku leeyahay iyo cida rasmi ahaan ka dambeysa.


Waxase Boosaaso ku sugan dhamaan qoomiyadaha Itoobyta siiba Oromada iyo Tigreega. Raggii falkaa gaystey ayaa goobta ja baxsadey.

C/llaahi Warmoge

ARAABIBEWS


admin:

This website uses cookies.