Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay xasuuqii ciidanka dawlada ee shalay ka dhacay gobolka Galguduud halkaas oo dabley qabiileysan ay dhexda u galaan gaariga ay la socdeen askartu. Waxay sheegeen in askar iyaga hore loo waayay hadda la helay.
Waxay kaloo sheegeen inay gacanta ku soo dhigeen mid ka mida fuleydii rasaasta ooda uga qaaday askatrta oo marayay meel u dhow Balanbale. Waxa la rajaynayaa in kuwa kalana gacanta lagu soo dhigo, ayadoo la sheegayo inay u gudbeen dhinaca Itoobiya ama Gaalkacayo.
Falkii wuxuushnimada ahaa ee kooxda qabiileysan ugu gaysteen askarta ayaa waxa aad u cambaareeyay waxgaradka, waxase ilaa hadda aamusan jufada Hawiye ee weerarkan soo abaabushey oo aan ilaa hadda bixin wax tacsiya.
Marxuumiinta ayaa lagu aasay isla Balanbale oo ay markii hote u socdeen, waxana aaska ka qayb galay ehelada iyo qaar ka mida dadka magaalada.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS