Booliiska magaalada Shaariqa ee dalkaasi Imaaraadka ayaa war ka soo saaray haweenay u dhalatey dalkaasi Bakistaan oo iska soo tuurtey dabaqa sadexaad kadibna u kala jabtey laba qaybood. Haweenaydan ayaa iska soo tuurtey dabaqa Khamiistii ina soo dhaaftey markey saqdii dhexe ahayd.
Baaritaan hordhaca oo booliisku sameeyay ayaa lagu sheegay in haweenaydu go’aansatey inay nafteeda is dhaafiso kadib markii lagu cadaadiyay inay guursato oday 70 jira oo Bakistaan jooga.
Waxana la sheegay inay diidey, inkastoo caadiyan qoysku u hanjabo hadday ogolaan waydo dookhooda. Bakisytaan oo dhaqan aad u xun haysta ayaa gabdhaha la siiyaa inadeerkeed hadduuna jirina waxay ku qasban tahay inay qaadato wixii loo soo helo.
Jirka gabadha ayaa loo direy baaritaan dheeraada waxayna sheegeen in la sugu doono baaritaankaas oo laga yaabo inay ka soo baxaan inta hadda wax ka duwan. Kumanaan haweenka Bakistaan u dhashay ayaa caba sunta.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay