X

Maxaa kasoo baxay shirkii madaxweyne Farmaajo soo xirey: SAWIRO

Waxa saakadii hore la soo xirey shir tobaneeyo maalmood Galmudug uga socdey qabaailada halkaas wada degan oo ku fashilmey inay samaystaan maamul ay wada leeyihiin. Madaxweyne Farmaajo oo waqti dheergeliyay inuu shirkaasi guuleysto ayaa soo xirey shirkaas


Hadaba maxaa ka soo baxay shirkaas mudada loo Fadhiyay Laguna bixiyay kharash iyo lacag xilli banaanbax uu Ka dhacay Cadaado. Hoos Ka akhriso qodobada Ka soo baxay


1-Shirku wuxuu ku baaqay nabad waarta oo reer Galmudug dhexmarta.

2-In si deg dega argagixisada looga saaro argagixisada maamulka Galmudug.

3- In dawladu fuliso balanqaadyadii ay samaysay dibna loo eego dhismaha maamulkii hore.

4- In si deg dega Galmudug loola soo gaaro deeqaha ay u baahan tahay.

Waxa la filayaa in dib u heshiisiintu sii socoto loona gudbo in loo dhiso maamul loo dhan yahay.


Hoos Ka fiirso sawirada madaxweyne Farmaajo oo soo xirey qaybta hore ee dib u heshiisiintu

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.