X

Maxaa keenay inuu xoog u kordho dhaqaalaha argagixisadu hadda hesho

Waxa si xooga u kordhay dhaqaalaha ay hesho dhiigmiiratada Shabaab ee baada loo yaqaan muddada shanta bilooda ee Xasan Culusow maamulka loo dhiibay. Waxaad is weydiin kartaa maxaa keenay in muddo sidaa u kooban ay helaan dhaqaale xad dhaafa.


Dhaqaalaha dhiigmiiratadu hawsha ku wado ayaa hadda lagu qiyaasay 3 milyan oo doolar, ayadoo inta badan dhaqaalahaa ku bixisa hawlaha dilalka ee ay ka wado dalka qaasatan Koofurta dalka.


”Waxa keenay in dhaqaalaha ay heshaa korodho maamulka Xasan Culusow oo kuraas muhiima siiba nabadsugida iyo arimaha gudaha iyo weliba gobolka Banaadirba u dhiibay isla argagixisada, waxana la kala direy hawl-wadeenadii ay argagixisadu ka neefsan wayday ayuu qabaa Cali Calasow.



Ilaa Xasan Culusow uu soo celiyo kalsoonida dadku ku qabaan dawladnimada waxa sii kordhaya dhaqaalaha ay hesho dhiigmiiratadu xitaa ayadoo ay qabaailo ay seefta la baxeen si ay isku difaacaan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.