X

Sacuudiga oo ku biiraya isbahaysi cusub oo lidi ku ah kan Maraykanka

Sacuudiga ayaa gudbiyay codsi uu kaga mid noqonayo isbahaysiga ganacsi ee wadamada loo yaqaan BIRIK kuwaas oo ay hadda ku midoobeen wadamada Shiinaha, Ruushka, Koofur Afrika, Baraasiil iyo Hindiya. Waxa iyaguna khadka ku soo jira Turkiga iyo Iiraan.


Isbahaysigan ganacsi ayaa ah kan dunida ugu balaaran marka aad eegto tirada dad ee ku jira sida Shiinaha iyo Hindiya oo ah labada dal ee ugu dad badan adduunka.

”Waa isbahasi ganacsi oo Maraykanku aad uga naxsan yahay waayo waxay hoos u dhigaysaa ku amar ku taagleynta hadda uu ku hayo wadamada Muslimka ah ayuu qabaa Xuseen Warsame.


Waxaan shaki ku jirin in isbahasigan uu yahay kii labaad ee samaysma oo ay ku biirayaan wadamo badan oo Muslima inkastoo hadda ay ku jiraan ururka weyn ee isbahaysiga Shaanhay oo dalalka Muslimka u badan yihiin.



Maadaama ay reer galbeedka khaniiska ah hadda ku jiraan burbur dhaqaale oo xoogan iyo hoos u dhac weyn oo dhinaca qof ahaaneeda waa muhiim in la helo daaqad kale oo ka hortagta in masiibadaas.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.