X

Maxaa keenay in ciidanka Afqaanistaan ay dagaalami waayaan

Waxa mardhow ciidanka Afqaanistaan ka carareen magaalada afraad ee ugu weyn dalkaasi ee Masaari Shariif ee ku taala Waqooyiga qaasatan dhinaca Usbakistaan. Dadka degan aagaas ayaa u badan qabiilka Turki oo Ingiriisku ka soo gooyay midowgii Soofeeti.


”Ciidanku waa niyad jabsan yahay ma qaadan sanado wax mishahara, hubka ay haystaan waa bilaa faaiido ma helaan gurmadka loo baahan yahay mana jiraan saraakiil daacada oo dalkooda difaacaya ayuu yiri sarkaal naftiisa kala soo cararay Kunar.

Haddaba waad arki doontaa haddii Somaliya ayna ka taxadirin in lala rabo sida Afqaanistaan oo ciidanka loo tababaro gaajo lagu dilo kadibna marka dagaal noqoto ninwalba qoriga dhigo.


”Haddii aan dagaalka sii wadi lahaa wax aan cunaba ma haysto Maraykankii nala joogeyna halmar ayaan aragoodii weynay, waxay nala tahay inay noogu talogaleen ayuu yiri sarkaal kale.

Hala wareegaan xukunka waala arki halkay geeyaan dalkee ayuu yiri sarkaal kale oo isagu ciidankiisa dhamaan ku wareejay dhiigmiiratada Taalibaan.

Wararkii u dambeeyay ee Afqaanistaan

Waxa lagu soo waramayaa in madaxweynihii Afqaanistaan ee Maraykanku ku hayay dalka inuu caawa oo Axada ka baxay dalka kuna sii jeedo Tajikistaan. Warkan ayaa la xaqiijin doonaa berito oo Axada.

Rashiid celaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.