X

Uma dulqaadan doono daba qaadyada Tigreega: Mustafe Cagjar

Madaxweyne ku xigeenka Somali galbeed Mustafe Cagjar oo maanta oo Sabtiya ka hadlaayay isku soo bax ka dhacay caasimada Jigjiga ayaa sheegay inaan dib dambe loogu dulqaadan doonin daba-qaadyada raacsan Tigreega.


“Nidaamkii ku dhisnaa kala-sarraynta, dhaca, kufsiga iyo xasuuqa ayey rabaan in ay mar kale soo celiyaan, laakiin taasi ma ahan mid ay aqbali doonaan shacabka Deegaanka Soomaalidu. aniga oo ku hadlaya afka xukuumadda iyo midka shacabka waxa aan idiin xaqiijinaynaa in si cad aannu ula dagaallami doonno argagixisada TPLF” Mustafe Muxummed Cumar.


“Waxa aan idiin caddeynaynaa in maanta kaddib ayna dawladdu ogalaan doonin in ay bannaanka sii joogaan dadkii shacabka xasuuqa u geystay ee maantana doonaya in ay awr-kiraaleyaal u sii noqdaan hadhaaga nafla-caariga ah ee TPLF, taasi waxa ay u muuqataa tallaabo-qaad ay hore dawladdu u gabtay oo maanta lagu dhaqaaqi doono” ayuu yidhi Madaxweyne Mustafe Muxummed Cumar.

Waxa jira koox aan badneyd oo si ula jira Tigreegii xasuuqay dadkeemna ee la ogaa dhibka uu mariyay Somali.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.