Subaxdii hore ayay ahayd markii Iiraan ku garaacday gantaalo gaaraya 22 saldhigyada Maraykanka ku leeyahay Ciraaq. Saldhigyadaas oo dhamaantood ah kuwo milatari. Xagjir Taram ayaa isagu markiiba la boobay baraha bulshada sheegayna inaanu jirin wax khasaare badeeda.
Haddaba khasaare intee leeg ayaa soo gaaray Maraykanka oo ay qirteen.
Ciraaq ayaa sheegtay in iyada cidina kaga dhiman weerarka gantaalaha Iiraan soo gantey taas oo la fahmi karo laakiin Maraykanka ayaa qirtey in goobta ay kaga burbureen helikobtaro iyo diyaaradaha aan la wadin laakiin la hago.
Haddii khasaare xoogleh ka soo gaarin Maraykanka weerarka ay ku qasaareen 22 gantaalo waxa kuu cadaanaysa in Iiraan sii wergelisay labadoodaba inay goobta Ka cararaan.
Waxaad is weydiin kartaa haddaan khasaare xoogleh soo bixin in Iiraan welli u aargudin ninkii ay u dhinteen 56-ka qof shalay ee ay markale u dhiganayso oo cadowgu hurdo.
Hogaamiyaha Iiraan ayaa sheegay in weerarka gantaalaha uu Maraykanka ku ahaa dhirbaaxo wejiga kaga dhacdey halka warfaafinta Iiraan sheegteen in weerarkaa ay Ku dileen 80.
Si kastaba ha ahaatee waxa la sugaa talaabada xigta ee xagjir Taram qaado haddii uu isna ka aargoosanayo khasaaraha diyaaradeed ee soo gaaray oo laxaadle. Markii aan maqalay in gantaalada soo socdaan waxaan wada galney dhufaysyada ayuu yiri askari Maraykana.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay