08/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Maxaa ku soo kordhey bixinta baasaboor Somaliga

Waxa in muddo ah hakad ku jirey helida baasaboor Somaliga taas oo waxweyn u dhintey socdaalada ay geli lahaayeen kumanaan Somali ah. Shirkada cusub ee la wareegtay soo daabicida baasaboorka oo Masaari ayaa sheegtay inay hadda diyaar tahay.



Shirkada ayaa hada sheegtay in maamihii u damveeyay ay bilaabeen daabicuda baasabooro cusub.

Mudada hakadka uu ku jiray daabicista Baasaboorka Soomaaliya ayaa sababta waxa ay aheyd in uu dhamaaday mudada heshiiska Shanta sano ee Shirkadda daabicista Baasaboorka horay ay u siisay dowladii Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo dowladan ay doonaysay inay qandaraaska daabicista Baasaboorka Soomaaliga ay ka wareejiso Shirkadaasi xilli aysan helin Shirkad kale, balse ay isku dayday in hal sano heshiis ah loo saxiixo Shirkadda inta laga helaayo Shirkad kale, arrintaasi oo ay ku gacan seyrtay Shirkadda daabicista Baasaboorka Somaliga.



Arintan ayaa fadeexad ku noqotey dawlada Somaliya xiili dad badan ay soo wajahdey caqabad horleh.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS