X

Maxaa ku soo kordhey diyaarad lagu rasaaseeyay Qansax-dheere

Wararkii u dambeeyay ee ka imaanaya diyaarad lagu rasaaseeyay Qansax-dheere ee gobolka Bay ayaa masuuliyiinta drgmadu sheegeen inay ku raadjoogaan argagixiso diyaarada ku furtey rasaasta yar. Diyaarada ayaa iyadoo nabada dib ugu noqotey Muqdisho.


Diyaaradan oo u rarneyd hay’adda wadamada midoobey u qaabilsan cuntada ayaa la sheegay inay nafaqo u sidey dad Ku nool oo hoosjooga hay’adda.


Rasaasta diyaarada lagu dhiftey ayaa lala eegtay xilli ay ku soo dhawaatey garoonka oo ay degi rabtey ayuu yiri gudoomiyaha degmada C/risaaq Cabdi Ibrahim. Waa fal argagixiso waan ku daba jirnaa ayuu raaciyay.


Dhawaan ayay ahayd markii diyaarad kale oo sidey again ay ku burburtey Bardaale oo Ka tirsan gobolka Bay. Diyaaradaas ayaa markii dambe la sheegay in si qalada lagu toogtey.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.