12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Maxaa ku soo kordhey xasuuqii huteel SYL iyo beerta Nabada iyo ujeedada dhiigmiiratadu ka lahayd: WARAYSI

Wararkii ugu danbeeyay xasuuqii argagixisada xalaashatey dhiigeena, maalkeena  iyo kan aduunkaba ee kasoo baxaaya Weeraradii Caawa ka dhacay Hoteel SYL iyo Beerta Nabada ayaa sheegaya inuu ka dhashay khasaaro aad u badan.

Dadka dhaawacmay iyo kuwa dhintay ayaa u badnaa Ciidamo ka tirsan Dowlada iyo dad shacab ah, kuwaasi oo kuwada sugnaa goobta weerarka lagu qaaday.

Inta la ogyahay labada weerar ayaa waxaa ku dhintay 13 ruux oo u badnaa Ciidamo ka tirsan Dowlada, halka dhaawacana uu kor u dhaafayo 26 ruux oo ay ku jiraan Ciidamo iyo dad shacab ah oo wadadaasi maraayay xiliga ismiidaaminta ay dhaceysay.

_88472708_88472707[2] _88472712_88472711[1]

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS