X

Maxaa lagu macnayn karaa amniga Muqdisho ee sii xumaanaya?

Waxa farah ka sii baxay amniga magaalada Muqdisho intii uu maamulka la wareegay Xasan Culusow sirdoona uu ka dhigtey Mahad Salaad oo ka tirsan argaixisada shabaab. Marka waxaad is weydiin kartaa maxay tahay amni xumadan sii korodhey?


”Jawaabta saxda ah waxay noqonaysaa niyadjab ku dhacay waaxdii amniga iyo rajada maamulka Xasan Culusow oo shaqaalaha badankooda rajo xumo ka qabaan marka waa iska fowdo ayuu qabaa Cali Calasow.


Tan ugu wyn ayaa ah hadda argagixisada shabaab ayadaaba haysata wixii la oran jirey sirdoon marka waxay xoriyad u heshay inay disho qofkii ay rabto, waxana halis ku jira dhamaan xildhibaanada xorta ah ayuu raaciyay Cali Calasow.


Runtii dalka dhan waxa la dareemayaa in dawlad burbur kale yimi oo dalkii fowdo galay tusaale waxaad u soo qaadan kartaa Xasan Culusow wuxuu magacaabay dhamaan jufadiisa xitaa dhul xaarka, marka ninkii wadaniga ahaa maxaa u yaala.



Waxa dhinaca aad ujeedaa waxay ahayd in shabaabka Mahad Salaad kursiga xildhibaank laga dhigo isaga iyo C/raxmaan C/shakuur ilaa hadda waa fowdo, marka waxaas oo dhan ayaa is biirsaday ayuu qabaa Xuseen Warsame.

Waxa u dambeeyay ganasade Muqdisho keliya laga yaqaan oo caawa la diley oo lagu magacaabi jirey Sheekh Salaad Ciise.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.