X

Maxaa looga hadlayaa shirka Somalida uga furmaya xarunta reer Yurub ee Barasalis

A member of the Somali armed forces carries her ammunition during fighting in 2017 between the military and police backed by intelligence forces in Mogadishu. (CNS photo/Feisal Omar, Reuters) See SOMALIA-BISHOP-ISLAMIC-STATE Feb. 15, 2018.

Maxaa looga hadlayaa shirka Somalida uga furmaya xarunta reer Yurub ee Barasalis. Waxa shirka oo maanta furmaya jooga madaxwynaha Somaliya iyo maamul jufeedyada qaar. Shirkan ayaa daba socda shirar Somalida waqti looga lumiyay oo ka dhacay Ingiriiska, Muqdisho iyo kan hadda furmaya.


Shirarkii hore ayaa looga hadlay sidii loo kordhin lahaa arimaha gargaarka, lacag loogu raadin lahaa Amisom loona dhisi lahaa ciidan qaran.


Shirarkaas ayaa fashilmey maadaama ayna cidna u diyaar ahayn inay dhisan ciidan qaran laakiin lagu hawlan yahay sidii looga shaqaysan lahaa dalka oo noqdey kan ugu badan ee ay meelkasta joogaan hay’adio sirdoona iskuna sheega samafalo.

Shirarkaas hore ayaa balan qaadyo la sameeyay waxna kama fulin aan ka ahayn mid lagu sheegay in ay wada hadlaan waxa loogu yeeray Somaliland iyo Somaliya oo dad badan jahwareeriyay kana dambeeyay Ingiriisku.


Shirkan maanta dhacaya ayaa waqti lumisa lamana garan karo in lacagta ku baxaysa safarada madaxda ay bixin doonaan kuwa casuumay.

Rashiid Ceelaanyo madaxa wararka caalamka

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.