Maxaa looga hadley kulankii golaha wasiirada ee manta. Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystey Faduma Osman Farah, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka ee ku aadan horumarka maamulka iyo maareynta maaliyada.
Faduma ayaa sheegtay in xafiiskeeda uu diyaariyey nidaamkii loo baahnaa oo ay si dhow ula shaqeeyaan Wasaarada Maaliyada, Bankiga Dhexe, Bankiga Aduunka iyo Hay’ada Lacagta Adduunka (IMF).
Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha ayaa golaha wasiiradda siiyey warbixin mashaariicda dhowaan la bilaabi doono, oo ay ka mid yihiin waddooyinka dalka qaarkood iyo hay’adaha dowliga ah si loo hirgeliyo maamul wanaag.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa hoosta ka xariiqey muhiimada dib u dhiska dalka si shaqo loogu abuuro dhalinyarada Soomaaliyeed.
Wasiirka Arrimaha Diinta & Awqaafta ayaa ka warbixiyey shirweynaha Culumada Soomaaliyeed oo la filayo in la qabto bisha December ahna shir wadatashi ah bacdamaa culumadu ay yihiin hormuudka bulshada. Wasiirada ayaa dood dheer ka yeeshay sida ugu habboon ee loo qaban karo shirweynaha oo ay tallooyin ku biiriyeen.
Wasiirka Howlaha Guud & Guriyeynta ayaa golaha uga warbixiyey Hindise Sharciyeedka Nidaaminaya Naqshadeynta magaalooyinka, Horumarinta dhismaha iyo maamulka Dhulka. Dood dheer ka dib, waxaa lagu ballamay in usbuucyada danbe la ansixiyo.
Wasiirka Dastuurka ayaa ka warbixiyey shir ay wada shir guddoominayeen isaga iyo wasiirka Arrimaha Gudaha oo ay ka soo qeybgaleen dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka oo looga hadlayey dardargelinta dib u eegista dastuurka, xasilinta dalka, iyo dardargelinta doorashooyinka halka cod iyo halka qof ee 2020ka.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay