X

Maxaa looga warwareegayaa in dalku yeesho dastuur xalaala

Way wanaagsan tahay in Sacdiya Salaad lagu daac daaco iyadna tiraa waxa ugu daac-daacaya waa kuwa sheegta laandheere, waxase Somalidu tiraa MAS madaxaa laga dilaa.
Haddii la rabo in sheekadan qoomuluudka iyo kuwa la mida laga badbaadiyo qaranka iyo ummada Somaliyeed, waa in la abaaro halka sartu ka quruntey oo dib u soo celinta Xasan Culusow oo qayb ka ah qorshaha socda ee khaniisiinta.



Dastuur dhoodhoobku wuxuu haystaa taageero kana haystaa kooxda Xalane waana halka Sacdiya Salaad iyo kuwa la socda ee Xasan Culusow ugu horeeya ay ka soo galaan faafinta khaniisnimada.

”Haddaan dastuur ku sheegan gaalada aan daaqada laga tuurin waxaan isku sheegaynaa waa been ayuu qabaa Cali Calasow yaan lagu daac daacin Sacdiya Salaad iyo kuwa la midka ah ayuu raaciyay.



Ma aragno in lagu xiigo foosto hoosta ka daloosha oo biyo lagu shubayo. Dalkan markii dastuurkii uu lahaa la tuuray ayna meelmariyeen isla kooxda Xalane oo adeegsanaya fadhiid Shariif sh Axmed iyo Cabdiwelli Gaas oo isagu danaynaayay federaal ayuu hog ku dhacay.

Maamuladii ka dambeeyayna ayna dhooqada looga tagay waxba ka qaban inay sii walaaqaan mooyee sida Xasan Culusow oo maamul jufeedyada sii kordhiyay.



Dalkani wuxuu u dhimanayaa waa hogaan la’aan, wayna ogaayeen markii kooxda Xalane soo celiyeen dhoohane Xasan Culusow inay dadka iyo dalka ka guulaysteen.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.